Puntland oo dowladda dhexe maxaabiis ku wareejisay

0
566

Munaasabad Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maamulka Puntland ay Wasiiro ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya & Maamulka Galmudug ku wareejiyeen Maxaabiis u xirneyd Burcad Badeednimo.
Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaareysa 15 rag ah ayaa xabsiga Garoowe ku xirnaayeen in ka badan 10 Sano, waxaana Puntland horay ugu soo wareejiyay kadib heshiis dhex-maray Jasiirada Seychelles ,si ay xukunkooda ay ugu dhameystaan gudaha wadankooda.
Maxaabiista oo kasoo jeedaan degaannada Galmudug ayaa Wasiiro iyo Xildhibanao ka tirsan Maamulka Galmudug ay dadaal farabadan u galeen sidii loogu soo wareejin lahaa, balse Puntland ay ogolaatay inay ku wareejiso dowladda dhexe Soomaaliya.
Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa wasiirka Cadaaladda dowlada dhexe Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ku wareejiyay Maxaabiistaan, oo la gayn doono Magalada Muqdsho.
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Maxaabiista ay u gudbin doonaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si ay xukunkooda ugu dhameystaan,sidoo kale ay heli jireen xuquuqdooda.