Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweynaha caafimaadka adduunka

0
329

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa shir guddoominayay kal-fadhigii 70-aad ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Kal-fadhigan ayaa looga hadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaadka, guud ahaan Bariga iyo bartamaha Afrika, iyadoo la hubinaayo gaarsiinta Caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka.
Shirkan oo ka dhacay Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qayb galay Madax kala duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka taagan dhulka Falastiin isagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarrada laga sameeyay caafimaadka Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo nidaamka hirgelinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.
Shirweynahan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kala duwan oo muhiim ah iyado la soo gabagabeyn doono maalinta berri.