Weerarro lagu qaaday xarumihii kaydka hubka Al-Shabaab ee Jubbada Dhexe

0
353

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in ciidamadeeda xoogga oo taageero ka helaya kuwa saaxiibbada caalamka, ay qaadeen howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyada Al-Shabaab ee Bu’aale, Saakow iyo Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Waxaa ay dowladdu sheegtay in saldhigyadan la weerarray ay ku jireen kaydka hubka kooxda Al-Shabaab.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab uu soo gaaray khasaare weyn.
Dowladdu faahfaahin intaas ka badan ma bixin.
Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera weerarrada cirka, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ay ku abaabulayso weerararda ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.