Ciidamo gadoodsan oo saaka xirta qaar ka mid ah waddooyinka Gaalkacyo

0
599

Ciidamo ka tirsan Daraawishta Maamulka Galmudug oo gadoodsan ayaa lagau soo waramayaa inay saaka la wareegeen saddex Bara-koontorool oo ku yaal Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Ciidamada oo ka tegay Xerada Indha qaris ayaa ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay u diidayaan inay galaan ama ka baxaan Magalada Gaalkacyo.
Qaar kamid ah Saraakiisha hoggamineysa Ciidamada ayaa sheegay in ka badan Saddex bilood aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay wayeen xaquuqdii ay ku lahaayeen Maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaawday dadaalo ay wadaan Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka & Maamulka, oo ay ku doonayaan in Ciidamada dib loogu celiyo Xeradooda, sidoo kalena ay helaan xaquuqdooda.
Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug waxaay sameeyeen Gadood, iyagoo xirtay wadooyin muhiim ah, balse markii dambe xal laga gaaray.