Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta loo geliyay Sufyaan Sheekh Axmad, oo sidoo kale loo yaqaan (Taakeeye ama Afar xaasle).
Waxay warbaahinta dowladdu sheegtay inuu waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalena taageerayay kooxda Al-Shabaab.
Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA ka soo dejisay Magaalada Muqdisho waxa ayna ku billowday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shakhsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook-gaee warbaahinta dowladda.
Sufyaan ayaa baraha bulshada caan ka noqday ka dib markii uu soo bandhigay afar dumar ah oo uu sheegayo inuu isagu qabo, wuxuuna sidaas kula baxay Afar xaasle.
Intaas ka dib wuxuu billaabay inuu ka hadlo afkaaro siyaasadeed oo muran dhaliyay, isaga oo mar soo bandhigay calammo cusub oo lagu beddelayokan Soomaaliya.