Golaha ay ku mideysan yihiin ismaamullada dalka ee CoG ayaa soo jeediyay in la kordhiyo miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada oo la gaarsiiyo boqolkiiba 45.
Wafdi matalayay CoG oo ay hor kacaysay guddoomiyaha golahan sidoo kalena ah barasaabka ismaamulka Anne Waiguru ayaa soo jeedintan la wadaagay guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ku yeelanaya xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxyaabaha kale ee ay doonayaan waxaa ka mid ah in ismaamullada miisaaniyadoodu lagu siiyo xilliga habboon oo aan lagala dib dhicin.
Golaha barasaabyada ayaa sidoo kale ku talinaya in dowlad deegaannada la siiyo awoodo ay ku qaadan karaan lacago amaah ah.
Sidoo kale waxay rabaan in la soo dhiso waaxda maaliyadda oo ka madax bannaan wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka.