Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Alfred Mutua oo QM midoobay uga mahadceliyay ansixinta howlaha nabad sugidda ee...

Alfred Mutua oo QM midoobay uga mahadceliyay ansixinta howlaha nabad sugidda ee Haiti

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay uga mahadceliyay tallaabadii uu ku ansixiyay howlgal nabad sugid ah oo la geynaya dalka Haiti.
Ciidamada dowladda dalkaasi ka caawinaya xaqiijinta nabad galyada iyo la tacaalidda kooxaha hubeysan waxaa ka mid ah booliiska Kenya.
Mutua ayaa dhanka kale beesha caalamka ugu baaqay inay muddo kooban ku soo dhisto howlgal nabad sugid oo awood leh.
Waxaa uu intaasi ku daray in bog cusub uu u furmay waalidiinta iyo carruurta Haiti si looga dul qaado dhibaatooyin ay muddo ku hayeen kooxo hubeysan oo gaysta weerarro rabshadeysan.
Qaraarka uu ansixiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC oo ay soo saareen Maraykanka iyo Ecuador waxaa inay u codeeyaan ka gaabsaday dowladaha Shiinaha iyo Ruushka oo ka mid ah 15-ka xubnood ee golahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments