Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxa cusub ee hay’adda IOM oo safar ku imaan doonto dalka

Madaxa cusub ee hay’adda IOM oo safar ku imaan doonto dalka

Waxaa uu qorshuhu yahay in ay dalka soo gaarto agaasimaha guud ee hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM, Amy Pope oo dhawaan xilkan qabatay.
Safarkeedii ugu horreeyay ee qaaradda Afrika ayaa u billaaban doono Axadda soo socoto waxaana la filayaa in marka ay ka soo gudubto Itoobiya ay u soo wareegto Kenya.
Amy Pope oo u dhalatay Maraykanka ayaa 1-dii bishan la wareegtay xafiiska agaasimaha guud ee IOM.
Dalka Itoobiya, waxay booqan doontaa xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay inay tagto wadanka Jabuuti.
Haweeneydan ayaa shir jaraaid oo ay ku qabatay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka sheegtay in ugu yaraan boqolkiiba 80 ee socdaalka ama tahriibka uu ka jiro qaaradda Afrika.
Waxay dhanka kale walaac ka muujisay tirada badan ee dadka Afrikaanka ah ee ku qulqulaya waddamada carbeed oo ay sheegtay in halkaasi laga soo tabiyo warbixinno ku saabsan in dadkan aan si wanaagsan loola dhaqmin.
Madaxa IOM ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay ilaalinta xuquuqda dadka soo galootiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments