Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hay'adda Amnesty International oo baaq u dirtay qaramada midoobay

Hay’adda Amnesty International oo baaq u dirtay qaramada midoobay

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa warqad u qortay qaramada midoobay waxayna doonaysa in qiimeyn lagu sameeyo habka ay ciidamada booliiska ee Kenya ay u ilaaliyaan xuquuqul aadanaha ka hor inta aan la geyn wadanka Haiti.
Wakiilka hay’addan ku matalo qaramada midoobay Renzo Pomi ayaa soo qaatay dhacdooyin Kenya ka dhacay sida in ciidamada booliiska lagu eedeyay inay awoodo xad dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaal.
Waxaa uu sheegay in falalkan ay sababeen dhimasho iyo dhaawac loo gaystay carruur iyo dad waawayn labaduba.
Qoraalka ayuu ku codsaday in qaramada midoobay ay codsigan tixgeliso ka hor inta ciidamada Kenya aan loo oggolaan inay qayb ka noqdaan howlgalka nabad sugidda ee dalka Haiti.
Hay’adda Amnesty International ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay diiwaangelisay ugu yaraan 30 dhacdooyin oo ah dilal ay gaysteen saraakiisha booliiska.
Waxay intaasi ku dartay in iyadoo kaashanaysa 14 hay’adood oo kale ay diiwaangeliyeen in sanadihii 2021-kii iyo 2022-kii 371 qof si sharci darro ah loo dilay ama la waayay iyagoo ku jiray gacanta booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments