Waxaa uu qorshuhu yahay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee (UNSC) uu maanta cod u qaado qaraar ku saabsan in muddo hal sano ah dalka Haiti la geeyo ciidamo ka shaqeynaya nabad sugidda oo ay ka mid yihiin booliiska Kenya.
Haddii tani la ansixiyo saraakiisha dalka ayaa ka qayb qaadan doono la tacaalidda rabshadaha saameeyay Haiti laga billaabo bisha koowaad ee sanadka 2024-ta sida laga soo xigtay wasiirka wasaarrada arrimaha dibadda ee dalka Dr.Alfred Mutua.
Alfred Mutua ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in booliiska Kenya ay door muhiim ah ka qaadan doonaan la dagaallanka kooxo hubeysan oo uu ku tilmaamay kuwo awood leh oo ka jira gudaha Haiti.
Dowladaha Kenya iyo Haiti ayaa wada shaqeyn dibloomaasiyadeed oo rasmi ah yeeshay 21-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ka dib heshiis ay wada saxiixdeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Haiti ,Ariel Henry.
Qaraarka oo uu soo saaray Maraykanka ayaa lagu soo dhaweeyay in Kenya ay sheegtay inay diyaar u tahay hoggaaminta howlgalka caalamiga ee nabad sugidda ee Haiti.
Waxaa qoraalka ku xusan in ciidamadan ay noqon doonaan kuwo aan matalin qaramada midoobay sidaasi awgeedna qarashaadka ku baxaya loo maareyn doono si mutaddawacnimo ah.
Marka ay saraakiisha Haiti ku sugnaadaan muddo sagaal bilood ah ayaa dib u eegis la sameyn doonaa.
Waxay garab siin doonaan ciidanka qaran ee Haiti oo ay tiradoodu yar tahay maadaama ay yihiin 10,000 sarkaal oo u adeegaya waddan ay ku nool yihiin in ka badan 11 milyan oo qof.