Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu lacag dhan 700 oo milyan oo shilin ugu tala galay in la hirgeliyo warshadda soo saaridda caanaha ee KCC laanteeda ismaamulka Narok.
Waxaa uu sheegay inuu dowlad deegaankaasi dib ugu laaban doono ka hor bisha koowaad ee sanadka soo socdo si uu warshaddan xarigga uga jaro.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale ka hadlay qorshaha dowladda ee ah in muddo toban sano gudaheeda ah lagu abuuro 15 bilyan oo geed.
Tani ayuu sheegay inay kaalin wayn ka qaadan doonto la tacaalidda saameeynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aan marnaba cidna lagala xaajoon doonin ilaalinta ilaha biyaha iyo keymaha.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Narok oo uu munaasabad aas ahayd uga qayb galay ayuu hoggaamiyaha wadanka hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in dadka deggan keymaha ay halkaasi ka guuraan.