Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil toogasho...

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil toogasho ah ku ridday rag ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday labo nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dilal ka gaystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Labada nin ee Maxkamadda sare xukunka toogashada ah ku ridday ayaa lagu kala magacaaba Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaan Salmaan iyo Aadan Mursal Maxamad Macalin oo isna loo yaqaano Iidow, kuwaas oo ay horay maxkamadda darajada Koowaad ku xukuntay dil toogasho ah 22-kii bishii Shanaad ee May ee Sanadkan 2023. Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Jenaraal Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka toogashada ah ee Maanta lagu riday Anas Cabduqaadir iyo Aadan Mursal oo ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab.
Raggaan ay maanta maxkamadda sare xukunka ku ridday ayaa la sheegay in Gaalkacyo gudaheeda ay ku dileen dad badan oo ay ka mid ahayeen Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamad Jaamac Maxamad, kuwaas oo dhamaantood ay raggaan dileen xili ay ka soo baxeen Masaajidyo ay ku soo Tukadeen Salaadda, sida ay shaacisay Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.
Anas iyo Aadan ayaa ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen 17-kii bishii Afaraad ee April ee sanadkan, xilligaas oo la tilmaamay in labadooda ay qarax la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen ciidan ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Gabagabadii guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soonaaliya Jenaraal Liibaan Cali Yarow oo xukunkan toogashada ah ku dhawaaqay ayaa sidoo kale sheegay in cid walba oo ka mid ah Shabaab ama gacan saar la leh sidaan oo kale loo horkeeni doono Cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments