Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DCI oo xirtay eedeysanaayal 880,000 oo shilin qaab khiyaano ah uga dhacay...

DCI oo xirtay eedeysanaayal 880,000 oo shilin qaab khiyaano ah uga dhacay dad shaqo raadis ah

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysane ka dib markii ay lacag ka khiyaaneen dad shacab ah iyagoo iska dhigaya inay ka caawinayaan sidii ay u heli lahaayeen fursado shaqo.
Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu kala sheegay David Thuo Njehia iyo Kyalo Kilonzo, ayaa lagu xiray waddada Ngong Road ee magaalada Nairobi, ka dib markii lacag dhan 880,000 oo shilin ay ka khiyaaneen qaar ka mid ah dadweynaha.
Labada nin ayaa iska dhigayay shaqaale ka tirsan shirkadda biyaha iyo bulaacadaha ee Nairobi, iyagoo dadka kenyaanka ah ee shaqo raadiska ah u ballanqaadayay in ay shaqo ka siin doonaan hay’adaha dowladda iyo shirkadaha dowladda.
Ciidamada dambi barista ayaa eedeysanayaasha gacanta ku dhigay xilli ay shakhsiyaadkan ay u soo dhacday 100 kun oo shilin, iyadoo uu lacagtaasi soo diray shakhsi shaqo doon ah oo loo ballanqaaday inuu boos joogto ah ka heli doono shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee Nairobi.
DCI-da oo su’aalo weydiisay eedeysanayaasha ayay ogataay in dambi kan la mid ah ay horraan galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments