Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo doolar qofkii soo sheega Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.
“Ilaa 5 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ayaa lagu bixinayaa si loo helo Xog ku saabsan Abuukar Cali Aadan, naga caawi sidii aan u heli lahayn hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada ah, naga caawi joojinta hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada,” ayuu yiri barnaamijka Abaalmarinta Cadaaladda ee dalka Maraykanka.
Bishii Koowaad ee sanadkii 2018-kii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiye Caalami ah iyadoo la raacayo qodobka (E.O.) 13224 kaas oo cunaqabateyn adag saaraya dadka ajnabiga ah ee halista weyn ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanka ama amniga qaranka, siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha Maraykanka.
Maraykanka ayaa horey cunaqabateyn ugu soo rogay horjoogayaasha Al-Shabaab qaar ka mid ah oo uu ku jiro hoggaamiyaha kooxdaasi ayaa la kordhiyay lacagaha lagu abaal marinayo qofkii soo hela macluumaad lagu soo qaban karo.