Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska dacwadda la xiriirta musuqmaasuq ee loo haystay 11 mas’uuliyiin ka tirsan, wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Mas’uuliyiintan oo maxkamadeyntooda soo socotay bilihii la soo dhaafay ayaa dadka la maxkamadeeynayay ay isugu jireen kuwo dowladda u xiran iyo kuwo dalka ka maqan, waxaana xukunka ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan).
Guddoomiyaha ayaa marka hore ku dhawaaqay xukunka mas’uuliyiintii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee ku eedeysnaa musuqmaasuqa.
Waxay sidoo kale maxkamadda gobolka Banaadir ku dhawaaqday xukunka mas’uuliyiin ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunka mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa sheegay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka uu racfaan ka qadan karo, hayeeshee xeer ilaalinta qaranka Soomaaliya ayaa xukunka eedeysanayaasha racfaan ka qaadatay.
Dhanka kale, Abuukaate Dudaaye oo ka mid ah qareennada matalayay qaar ka mid eedeysanayaasha ayaa sheegay in go’aanada qaar ee maxkamadda ay racfaan ka qaadan doonaan.