Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay hakisay barnaamijyadii ay ku taageeri jirtay dalka Gabon.
Tani ayaa loo aaneeyay afgembi bishii hore halkaasi ka dhacay.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Antony Blinken ayaa arrinkan bayaan ku sheegay.
Waxaa uu intaasi ku daray in xayiraaddan ay sii jiri doonto inta laga qiimeynaya faragelin sharci darro ah oo ay sameeyeen ciidamada militariga ee Gabon.
Blinken ayaa sheegay in tallaabada ay qaaden ay tahay mid la jaanqaadeysa go’aamadii jaaliyadda dhaqaale ee dalalka ku yaalla bartamaha Afrika iyo Midowga Afrika.
Hasa ahaate dowladda Maraykanka ayaa sii wadi doonto howlaheeda dibloomaasiyadeed ee dalka Gabon.
30-kii bishii hore ayay ahayd markii ay ciidamada militariga ee wadankaasi ay awoodda ka afgembiyeen madaxweyne Cali Bongo oo xilka hayay tan iyo 2009-kii waxayna sheegeen inuunan si cadaalad ah ugu soo bixin doorashada.
Waxay madaxweyne ku meel gaar ah u dhaariyeen General Brice Oligui Nguema.