Golaha hoose ee Nyamira oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah barasaabka ismaamulkaasi

0
172

Waxaa golaha hoose ee ismaamulka Nyamira la hor geeyay mooshin ay wakiilladu ku doonayaan inay xilka uga xayuubiyaan barasaabka dowlad deegaankaasi Amos Nyaribo.
Waxaa mooshinka gudbiyay wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Esise ,Josiah Mang’era.
Guddoomiyaha Nyamira ayaa ku eedeysan ilaa sagaal qodob oo ku saabsan inuu ku tagriifalay awoodiisa.
In kastoo ay jireen iskudayo ku aaddan in laga hor tago mooshinka laga gudbinaya barasaabka Nyamira haddana waxaa shalay xarunta tagay oo qorshahooda cadeeyay ugu yaraan 30 ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulkaasi.
Waxyaabaha Amos Nyaribo loo haysto waxaa ka mid ah inuu si aan habboonayn u isticmaalay kheyraadka dadweynaha ,qof jecleysi , shaqaaleysiin sharci darro ah iyo inuu daahfuray konteynarro maran oo laga dhigayay inay ku jiraan daawooyin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nyamira ay maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe ka doodaan mooshinka lagu doonaya in xafiiska looga saaro guddoomiyaha ismaamulkaasi Amos Nyaribo.