Booliiska magaalada Kismaayo ayaa maanta soo bandhigay gabdho iyo wiilal ay sheegeen inay shirqooleen nin, kaddibna ay muuqaal ka duubeen iyagoo garaacaya.
Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha booliiska gobolka Jubbada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wiilasha iyo gabdhaha ay gurigooda ku ballamiyeen wiilkan.
“Booliiska waxaa u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha oo kala ah afar wiil iyo labo gabdhood,” ayuu yiri.
Waxaa uu intaas ku daray in gabdhaha ay marka hore wiilka ku ballamiyeen gurigooda, kadibna ay u diyaariyeen wiilal garaaca.
Sarkaalka ayaa sheegay in eedeysanayaashan la horgeyn doono maxkamadda.
Waxaa uu ka digay in bulshada ay ka foojignaato falkan oo uu sheegay inuu maalmahan haystay baraha bulshada, ciddii lagu soo qabtana sharciga la marsiin doono.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyadok dhawaan baraha bulshada Soomaalida qabsaday muuqaalka nin ay garaacayaan labo haweeney, kaasoo ay ka muuqato cabsi weyn mararka qaarna la maqlayo isagoo oynaya oo gabdhaha ka codsanaya inay iska sii daayaan.
Labadan haween oo sida uu ninkan afkiisa ka sheegayo lagu kala magacaabo Shamso iyo Deeqo ayaa la arkayaa iyadoo mid ka mid ah ay ul ku garaaceyso, halka midda kalena ay u muuqato inay muuqaalka duubeyso.
“Sow kuma dhihin ha isoo wicin, ma adigaan maaro kaa waayay, waa la ii qabaa sow kuma dhihin?” ayay mid ka mid ah gabdhaha weydiineysaa ninkan.
Sidoo kale muuqaalka ayaa laga arki karaa isagoo loogu handadayo inuu lacag u diro gabdhaha.
Lama oga sababta dhabta ah ee ay gabdhahan u garaacayeen ninkan, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in shukaansi lagu shirqoolay.
Warar kale ayaa sheegaya in arrintu ay ka billaabatay lacago deyn ah.
Warar ayaa soo baxay oo sheegaya in labadan gabdhood ay soo qabteen laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho, hase yeeshee arrintan lagama xaqiijin booliiska magaalada.
Ninkan oo muuqaalkaas ka dib warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in guriga mid ka mid ah gabdhaha oo Shamso lagu magacaabo uu u tegay lacag uu ku lahaa oo ay ku tiri waan ku siinayaa.
“Qoftaan waxaa naga dhexeyay wada shaqeyn, waxay iga qaadatay deyn, muddo ayaa ka soo wareegatay, 60 doolar ayay ahayd, ilaa lix bilood ama ka badan ayaa ka soo wareegatay,” ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in lagu yiri lacagta guriga ayay taallaa ee soo doono, markii uu guriga tegayna la garaacay.
Dhibbanaha ayaa xusay inuu yahay xaasle carruur leh, islamarkaana lacagta ka maqan ay uga daran tahay dhaawacyada jirkiisa la gaarsiiyay iyo muuqaalka laga duubay.
Wiilkan ayaa markii dambe ay u suurtogashay inuu guriga gabdhaha ka baxsado, ka dib markii lacag 10 doolar ah uu taleefoonkiisa uga diray gabdhaha.
“Wax damac ah oo gabdhaha iiga jiray ma lahayn” ayuu intaas raaciyay.
Waa ganacsade iibiya xoolaha ariga ah, wuxuuna sheegay in gabdhaha keliya aysan arrintu ahayn balse ay jireen rag kale oo qori ku hayay.