Shil gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Dubur ee duleedka degmada Sheekh ee deegaannada Somaliland ka dib markii uu Rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Kooxo fanaaniin ah.
Inta la xaqiijiyay labo dhallinyaro ah oo ahaa muuqaal duubayaal ka tirsan Barta Youtube-ka ee Waqal Studio ayaa ku geeriyooday shilkaais, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Musatafe Saleemaan iyo Liibaan Daahir, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Shilka ka dib ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in Gaariga uu dab ka kacay, kaas oo saameeyay goobo Ganacsi oo ku yaalla goobta uu shilka ka dhacay, waxaana dadka kale ee shilkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Sheekh si halkaasi loogu dabiibo.
Agaasimaha isbitaalka degmada Sheekh Xamse Maxamad Diiriye ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu shilka u dhacay iyo khasaaraha guud ee ka dhashay iyo sidoo kale xaaladda Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay shilkaasi.
Qaar kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida muuqaal duubayaashii ka tirsanaa Barta Youtube-ka ee Waqal Studio, iyaga oo qaarkood ku dhawaaqay inay fanka ka baxeen oo ay ka mid tahay Najma Nashaad.