Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti kula kulmay wasiirka difaaca ee Maraykanka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti kula kulmay wasiirka difaaca ee Maraykanka

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments