Wasiirka Wasaarada Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in laga soo bilaabo kowdii bishii Kowaada o ee Sanadkii 2017-kii dakhliga dalka Soomaaliya koror Samaynayay.
Wasiir Beyle oo Maanta Warbaahinta dowladda la hadlayay ayaa sheegay inay marka dhaqaalaha dalalka kale Marka la fiiriyo uu aad u hooseeyo dhaqalaaha laga helo Canshuur Bixiyeyaasha, maadaama ay dadku dhaqso aaminayn bixinta Canshuurta.
Waxaa uu Sidoo kale sharaxaad ka bixiyay saamaynta dhaqaalaha Soomaaliya ka soo gaaray Cudurka Covid 19.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa ka hadlay soo daabacaada Lacagta Shilin Soomaaliga iyo Caqabadaha Hortaagan isagoo Tilmaamay inay Soomaaliya Ceeb ku tahay hadaysan Lacagteedii dib u soo celin