Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidamada dalka Soomaaliya ayaa xukun ku ridday gabadh loo haystay inay ka tirsanayd kooxda Al-Shabaab, taasoo siyaabo kala duwan ula shaqeyn jirtay.
Xaawo Cismaan Cabdi oo ah gabadh dhallinyaro ah ayaa lagu helay in kooxda ay u hayn jirtay hubka islamarkaana ay macluumaad ka keeni jirtay xubnaha dowladda u shaqeeya.
Xaawo ayaa kooxda ku biirtay ka dib markii ay afkaarta maleeshiyaadkaasi ah ka heshay baraha intarneet-ka ee Al-Shabaab.
Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xaawo lagu helay dhammaan eedihii loo jeediyay, sidaas daraadeedna lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.