Sagaal qof oo ka mid ah dadka ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho.
Sagaalka qof ee la geeyay Muqdisho ayaa waxa diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah looga qaaday magaalada Beledweyne xalay.
Qaraxa ka dhacay shalay Beledweyne oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada ah oo walxo qarxa laga soo buuxyay ayaa lagu qarxiyay xaafadda Horseed.
Waxay saraakiisha booliska Gobolka Hiiraan warbaahinta u sheegeen in inta la ogyahay ay qaraxa ku dhinteen 18 qof, 48 kalena ay ku dhaawacmeen.
Saraakiisha Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad nolol iyo geeri midna aan lagu hayn, oo dad markii ugu war dambeysay joogay halka uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka, waxana ku dhawaa xarumo ganacsi iyo guryo la deggan yahay.
Magaalada Beledweyne waa magaalada labaad ee qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan Soomaaliya marka laga soo tago caasimadda Muqdisho.