Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeya dadka ku nool maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu fiican yahay.
Hasa ahaate maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayuu xusay in ay tirsanayaan tabasho ilaa haatan uunan garaneyn waxa ay salka ku hayso.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u warramay laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Saciid Deni uu ka sugaya inuu ula yimaado waxaa uu xukuumaddiisa ka tirsanayo.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay in uu safar ku tago Puntland, si loo xalliyo wixii mugdi ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo maamulkaasi.