Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Israa’iil ay toogasho ku dileen ugu yaraan afar qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Falastiin.
Tani ayaa timid ka dib markii ay howlgal ka fuliyeen marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee wadankaasi.
Saddex ka mid ah dadkan ayaa lagu toogtay Daanta Galbeed halka midka afaraad lagu dilay Gaza.
Saraakiil ka tirsan waaxda caafimaadka ee Falastiin ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi lagu dhaawacay 20 qof oo kale.
In kastoo aan la shaacin magacyada saddexda qof ee lagu dilay Daanta Galbeed haddana midka looga takhalusay marinka Gaza ayaa magaciisa lagu sheegay Yousef Salem Radwan oo 25 sano jir ahaa.
In kastoo militariga Israa’iil uunan dilalkan xaqiijin haddana wuxuu xusay in qaswadayaal ay isugu tageen gidaarka kala qaybiyo Gaza iyo Israa’iil agtiisa iyagoo qaraxyo adeegsaday .