Waxaa isa soo taraya dhaleecaynta loo jeedinaya madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam(Axmad Madoobe), ka dib markii uu magacaabay wakiilka Jubbland ee Kenya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xilkaasi u magcaabay Sadiiq Cabdullaahi.
Khubarrada siyaasadda Soomaaliya ka faallooda oo arrintan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay mid baalmarsan dastuurka dalka Soomaaliya islamarkaana wadanka uu leeyahay dowlad dhexe oo awood sharci u leh inay soo magacowdo wakiillada ku matalaya waddamada shisheeye.
Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa arrintan ka hadlay