DHAGEYSO:Wakiillada beesha caalamka oo wali dadaal ugu Jira in hoggaanka Soomaalidu markale kulmaan

0
460

Wakiillada beesha Caalamka ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in markale shirka xerada Afisyooni ay dib ugu soo celiyaan Madaxda Soomaalida ee Maalmo ka hor ku kala tagay.
War kasoo baxay Xubnaha beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay wadaan kulamo ay doonayaan in mar kale la sii amba qaado dadaallada ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo xallinta khilaafka ka taagan.
Waxaa ay sheegeen in Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ay saaxiibadu wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qayb galayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.
Dhanka kale Qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Aragtidooda ka dhiibtay shirkii Madaxda Dowlada federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo dhawaan Fashilmay.
Shacabka Muqdisho ayaa sheegay inaysan isjiijiidkaan wax dan ah dalka iyo dadkaba ugu jirin loona baahan yahay in la xalliyo kala aragti duwanaanta si dalku Doorasho u aado