Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hay’ado ay MUHURI ka mid tahay oo dacwad ka gudbiyay taliyaha guud...

Hay’ado ay MUHURI ka mid tahay oo dacwad ka gudbiyay taliyaha guud ee booliiska

Guddiga xuquuqul insaanka ee dalka ee (KHRC),hay’adda u dooda xuquuqda muslimiinta ee (MUHURI) iyo Khelef Khalifa oo ka mid ah shacabka Mombasa ayaa si wadajir ah dacwad uga gudbiyay taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya ,Japhet Koome.
Waxay doonayaan in Koome lagula xisaabtamo dilal booliiska lagu eedeyay oo magaalada Nairobi ka dhacay sanadkii 2017-kii.
Dacwadda ayaa lagu doonaya in lagu faahfaahiyo dhacdooyinkii xigay doorashadii guud ee 2017-kii oo xilligaasi la soo tabiyay in falalka booliiska Nairobi ay ku dhinteen 33 qof.
Japhet Koome ayaa xilligaasi ahaa taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi.
Ka dib markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC uu bishii Siddeedaad ee sanadkaasi shaaciyay in doorashada guud uu ku soo baxay Uhuru Kenyatta ayaa waxaa dibadbaxyo sameeyay taageerayaasha mucaaradka oo ku doodayay in natiijada doorashada lagu shubtay.
Ururrada maxkamadda geeyay dacwadda ayaa sheegaya in dhammaan dadkii xilligaasi la dilay aynan ka qayb qaadan dibadbaxyada oo ay jireen kuwo ku nafwaayay guriyahooda.
Sidoo kale waxaa la doonaya in dacwaddan ay ka soo jawaabaan maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA , xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka, waaxda dacwad oogidda , guddiga qaran ee xuququul insaanka ee (KNCHR) iyo hay’adda madaxa bannaan ee (IMLU).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments