Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa'ideysan karto...

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto dhimista ciidanka ATMIS

Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka gaysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac.
War-saxaafadeed ka soo baxay golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika ayaa hoosta looga xariiqay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.
“Golaha nabada iyo amnigu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, oo sababay dhimasho dhowr ah iyo burburka xarumaha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo hoosta ka xariiqaysa xaqiiqada ah in Al-Shabaab ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”ayaa lagu yiri war murtiyeedka Golaha Midowga Afrika u qaabilsan nabadda iyo amniga.
Goluha ayaa walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto daldaloolo kasta inta lagu jiro ama ka dib dhimista 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, haddii aan si miisaaman loo maamulin howsha dhimista.
Midowga Afrika ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo guulaha nabadda iyo amniga ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay inay dalka ka saaraan 3,000 askari, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee sheegaya dhimista howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.
Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dowladda federaalka sida joogtada ah ee ay ugu howlan tahay lahaanshaha iyo hoggaaminta buuxda ee howlgallada xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta deegaannadii la xorreeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments