Kenya ayaa shixnaddii ugu horreysay ee Afakaadhaha u dhoofisay wadanka India.
Waxaa munaasabaddan guddoominayay xoghayaha joogtada ah ee waaxda horumarinta dalagga ee wasaaradda beeraha, Kello Harsama.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta kobaca beeraha iyo joogteynta iskaashiyada caalamiga ah.
Xoghayaha ayaa xusay in Kenya ay Afrika ugu horreysa oo ay caalamkana uga jirto nambarka 6-aad marka la eego dhoofinta Afakaadhaha.
Waxaa sidoo kale madashaasi ka qayb galay safiirka India ku matasho Kenya Ms. Namgya C. Khampa iyo safiirka Kenya ee India Willy Bett .