Ciidamada dab damiska ee Somaliland ayaa soo afjaray daminta dab xalay fiidkii ka kacay suuqa degmada Tog Wajaale oo ku taalla xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya.
Dabka ayaa baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaaran, waxaana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqa.
Ganacsatada ayaa billaabay in mehradaha badbaaday ay kala baxaan hantidooda, iyadoo kuwii mehraduhu ka gubteenna ay ka raadinayaan wax uun uga badbaaday hantidooda.
Ciidamada Dab Damiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo iyana gurmad ahaan u yimid, ayaa ka qayb qaatay in la damiyo dabka suuqa Tog Wajaale.
Taliyaha ciidanka dab damiska Somaliland ayaa xusay in dab walba oo dhaca in wax la barto.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta degmada Tog Wajaale ayaa ka hadlay khasaaraha uu dabka gaystay.