Raila oo sheegay inay uruuriyeen 10 milyan oo ah saxiixyo ka dhan ah dowladda dhexe

0
312

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inay uruuriyeen ugu yaraan 10 milyan oo saxiixyo ah oo ay doonayaan inay xafiiska uga saaraan madaxweynaha wadanka William Ruto.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay inay shaacin doonaan tallaabada xigta ee ay qaadayaan.
Waxaa uu xusay in aynan adeegsan doonin dibadbaxyo ka dhan ah dowladda talada haysa.
Waxaa uu ku celceliyay in tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan ay ku xiran tahay natiijada ka soo baxdo wada hadallada siyaasadeed ee kala dhexeya isbeheysiga muxaafidka ee Kenya Kwanza.
Mr. Odinga ayaa waxqabadka madaxweyne Ruto muddo hal sano ah ku qiyaasay boqolkiiba 30 iyadoo waxyaabaha uu ku dhaliilay ay ka mid tahay in maamulkiisa uunan ku guulaysan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.