Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku weerartay madaxweynaha Galmudug, Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa deegaanka Laas-gacamey oo ka tirsan degmada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa ka hortagay weerarkan ka hor inta uusan soo gaarin goobta ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta.
Ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa ku geeriyooday weerarka, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta Galmudug.
Taliyaha ciidanka Darawiishta Galmudug Jeneraal Maxamad Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay madaxweynaha Galmudug, xildhiban Dhabancad iyo mas’uuliyiin kale oo goobta ku sugnaa ay dhammaantood badqabaan.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta ayaa xaqiijiyay in senatar Cabdi Qaybdid inuu dhaawac fudud ka soo gaaray gacanta, ka dib markii qaraxu ku soo dumiyay guri jiingad ah oo uu deganaa.
Weerarkan ayay Shabaab la beegsadeen goob ay mas’uuliyiintaan xalay seexdeen.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmahan ku sugan furrimaha dagaalka ee Galmudug, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay inuu Shabaab ka ciribtiro deegaanada maamulkiisa. Xildhibaan Cabdisalaam Dhabancad oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkan.