Ku dhawaad 6,000 oo qof oo ku dhintay Libya

0
248

Saraakiisha maxalliga ah ee dalka Libya ayaa hadda sheegaya in tirada dhimashada ka dhalatay daadadka iyo duufaanta Daniel ee saameeyay bariga dalka Libya ay gaartay 6,000 oo qof.
Tiradan ayaa la filayaa inay sare u sii kacdo maadaama ay socdaan howlaha samata bixinta oo weli la soo saaraya meydad dheeraad ah.
Madaxa kaniisadaha Katholigga Pope Francis ayaa dhankiisa u duceeyay dadka ay waxyeelladu soo gaartay.
Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM ayaa dhankeeda sheegaysa in degmada Derna ee Libya ay ku barakaceen ugu yaraan 30,000 oo qof.
Hay’adda samafalka ee Islamic Relief ayaa dhankeeda ballan qaaday inay dhibbanayaasha daadadka gaarsiin doonto 124,864 oo doolarka Maraykanka ah una dhiganta 18.3 milyan oo shilin.