David Maraga oo soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweynaha dalka

0
830

Madaxii cadaaladda dalka ee dhawaan howlgabka noqday Mr. David Maraga ayaa sheegay in la doonayo in xilka laga qaado madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta .
Waxaa uu ku eedeynayaa inuusan ku guulaysan ilaalinta xeerarka dastuuriga ee wadanka.
Xilli uu wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen TV, ayuu Maraga madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhaliilay inuunan dhaarin 41 garsoorayaal ah oo uu soo jeediyay guddiga adeegga garsoorka ee JSC sida dastuurka dalka uu qabo xita ka dib amar maxkamadeed oo arrinkan ku aaddan.