Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Faafaahinta khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ee Degmada Dayniile

DHAGEYSO:Faafaahinta khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ee Degmada Dayniile

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lagu weerarray bar koontorool oo ku taalla degmada Dayniile oo ay joogeen ciidanka booliis Milataaro ee suga amniga caasimadda.
Gaariga qaraxa siday oo uu waday qof naftiisa dilaya ayaa lala beegsaday halka ay joogeen ciidanka, waxana halkaas ku dhaawacmay 7 askari iyo qof rayid ah sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo intaasi ku dartay in mid ka mid ah dhallintooda is qarxisa uu weerarkaasi gaystay.
Billihii ugu dambeeyay waxaa Al-Shabaab ku adkaatay, in gawaarida qaraxyada sida ay soo galiyaan gudaha magaalada, waxana la kordhiyay baraha amniga ee lagu hubiyo gaadiidka soo galaya caasimadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments