8 ka mid ah ciidamada KDF oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Lamu

0
272

Waxaa lagu soo warramayaa in weerar laga gaystay ismaamulka Lamu ay ugu yaraan ku dhaawacmeen 8 ka mid ah saraakiisha difaaca dalka ee KDF-ta.
Ciidamada ayay miino kula qaraxday baabuur ay saarnaayeen xilli ay marayeen deegaanka hoose ee Baure ee dowlad deegaanka Lamu.
Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weerarro joogta ah ka gaysta qaybo ka mid ah ismaamulka Lamu.
Ciidamada weerarkan ku dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka si loo dabiibo.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bishii hore in ka badan 10 qof lagu dilay deegaanka hoose ee Baure.