Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badneyd oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda.
Agaasimaha xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay si aad ah u kordheen xubnaha Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.
Waxaa uu xusay in xubnaha Al-Shabaab ka soo goostay ee isku soo dhiibay gacanta dowladda ay tiradooda gaareyso 107 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.
“Xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay ka mid ahaanshihii kooxdaasi ” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamad Nuur.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in xubnahaan iska soo dhiibeen meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin deegaannada maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
“Dhammaan dadka isa soo dhiibay waxay mari doonaan habraaca uu qorayo xeerka isa soo dhiibayaasha ee ka soo baxay fikradaha xagjirka ah, waxaa muuqata in bilihii la soo dhaafay uu aad u kordhay nambarrrada isa soo dhiibayaasha, weliba heerarka sar sare oo aan ula jeedo horjoogayaasha kooxda” ayuu yiri agaasime Cabdullaahi Maxamad Nuur.
Waxaa uu ugu dambeyn ugu baaqay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab inay wali haystaan fursado ay isugu soo dhiibi karaan gacanta dowladda Soomaaliya, maadama uu fursad cafis ah u fidiyay madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.