Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo adeegsan rabta xeeladdii Al-Shabaab looga saaray gobolka Hiiraan

Dowladda Soomaaliya oo adeegsan rabta xeeladdii Al-Shabaab looga saaray gobolka Hiiraan

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo codsaday inaan magacyadooda la adeegsan, sababo la xariira inaan loo oggoleyn inay la hadlaan warbaahinta ayaa waxay sheegeen in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Waxay sheegeen in tallaabadan ay dowladda ku beddeshay xeeladdii dagaal ay timid, ka dib dagaalkii cuslaa ee kooxda Shabaab ku qaadday deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, kaas oo ciidanka xoogga dalka Soomaaaliya ka soo gaaray khasaare badan, hayeeshee dowladda wali ma shaacin khasaaraha dhabta ah ee ciidanka ka soo gaaray dagaalkii Cowsweyne.
Xeeladda cusub ee haatan dowladda ay ku beddeshay tii hore ayay saraakiisha ku sheegeen inay tahay in howlgallada ay hoggaamin doonaan ciidanka deegaanka, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay noqon doonaan kuwa kaalmeyn doona kaliya ciidamada deegaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka deegaanka inay dowladda u qorsheysay in ay siiso gunno ay ku biilan doonaan qoysaskooda muddada ay howlgallada ku jiraan, halka markii hore dowladda ay ka heli jireen rasaas kaliya.
Taliyahii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu jiro qorsha cusub ee dowladda ay ku beddeshay xeeladdii hore ee dagaalka, islamarkaana xeeladda cusub ee dagaalka ay ku hoggaamin doonaan dadka deegaanka.
Xeeladdan cusub ee dowladda ay adeegsan doonto ayaa ah midii kooxda Al-Shabaab looga saaray dhammaan deegaanada ku yaalla Bariga gobolka Hiiraan sanadkii la soo dhaafay ee 2022-ka, markaas oo Shabaab ay kacdoonkii ugu horreeyay kala hortagtay beesha Xawaadle oo hormuud u ahayd dagaallada haatan lagula jiro Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments