Madaxweynihii dalka Gabon ee ay ciidamada militariga afgembiyeen maamulkiisi 30-kii bishii hore ,Cali Bongo Ondimba ayaa lagu soo warramayaa inuu xurriyadiisa dib u helay.
Militariga ayaa sheegay in hadda laga siidaayay xabsi guri uu ku jiray.
Bongo ayaa loo oggolaaday inuu dalkaasi dibadiisa ugu safro helidda daryeel caafimaad sida laga soo xigtay afhayeenka militariga Gabon Colonel Ulrich Manfoumbi oo xalay bayaan ka akhriyay telefishinka dowladaasi.
Waxaa bayaanka saxiixay General Brice Clotaire Oligui Nguema oo Isniintii si ku meel gaar ah loogu dhaariyay madaxweynaha wadankaasi.
Siyaasigan ayaa xilka laga tuuray wax yar un ka dib markii la shaaciyay inuu ku soo baxay doorasho natiijadeeda si wayn loo dhaliilay taasi oo u horseedi lahayd inuu sii ballaariyo xukunkiisa oo soo jiray 14 sano.