Waxaa lagu soo warramayaa in boqolaal qoysas ah ay ka qaxeen caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum ka dib markii degmo halkaasi ka tirsan lagu dilay 19 ruux.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo shakhsiyaadka u oleleeya arrimaha bulshada ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dilalka shacabka ay gaysteen ciidamada militariga ee Suudaan.
Tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda ka qaxay magaala madaxda Suudaan ayaa gaartay 2.8 milyan oo qof tani iyo markii bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan uu dagaal ka dhex billowday militariga Suudaan iyo saraakiisha gurmadka ee RSF.
Dagaalka labada dhinac ayaa waxaa ilaa iyo hadda lagu dilay ugu yaraan 5,000 oo qof sida ku xusan macluumaadka mashruuca dabagalka ku sameeya iskudhacyada hubeysan ee (ACLED).
Gudaha Suudaan waxaa ku barakacay in ka badan 4.8 milyan oo qof sida ay sheegtay qaramada midoobay.