Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in la xirxiray qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen in ciidamada dowladda isaga soo baxaan furrimaha hore ee dagaalka.
Waxaa uu hadalkan ka sheegay shalay mar uu khudbad u jeedinayay ciidamada loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku jira xero ku taalla degmada Maxaas, isagoo ku ammaanay ciidanka guulaha ay ka gareen howlgalladii ugu dambeeyay.
“Layskuma darsano, dadka goobaha cadowga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono, kan iyadoo oo cadowga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sidoo kale xusay in saraakiisha ku eedeysan inay ciidanka ka soo saareen furrimaha dagaalka laga qaadi doono tallaabo sharci ah, walow uusan sheegin madaxweynaha tirada saraakiisha la xirxiray.
“Maanta aan idinla hadlayo iyo shalay saraakiil ayaa la xirxiray, sharciga ayaa la horgeyn doonaa dambi ay gaysteen ayaa loo xiray, maxkamadda milateriga waxay ka qabtaana la horgeyn doona kii aan dambi lahayn waa la soo deyn doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegay in tirada ciidanka ee dagaalada ku dhinta inay ka badan yihiin kuwa guryahooda cudurrada ugu dhinta, islamarkaana loo baahan yahay in ciidanka arrimahaasi aysan cabsi galin.
“Inta dagaalka nooga dhimato waxaa ka badan inta cudurro ay ugu dhintaan guryahooda marka sax ma aha in cabsi ay gasho qofka bini’aadamka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay muddooyinkii dambe si aad ah u hadal hayeen weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka dowladda ee ka dhacay Cowsweyne iyo waliba sababahii ciidanka u soo baneeyeen deegaano badan oo ka tirsan Galgaduud oo qaarkood Al-Shabaab dib ula wareegtay.