Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay meel qiyaastii 5 kiilomitir u jirta degmada Maxaas oo uu hadda ku sugan yahay madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qof ku sugan gudaha Maxaas ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ka dhacay dibadda magaalada ka dib markii ciidamada deegaanka ay rasaas ku fureen gaariga uu qaraxa saarnaa.
wixii warar kasoo kordha halkan ayaa idin kugu soo gudbin doona.