Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Maxamad Cabdi Waare, ayaa ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga ee dalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamad Nuur, inuu mas’uul ka yahay askartii iyo saraakiishii ku dhintay weerarradii ka kala dhacay magaalooyinka Galcad iyo Cowswayne.
Maxamad Cabdi Waare, oo haatan ah ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha, ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga amarro khaldan oo uu bixiyay isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka lagu laayay ciidamo iyo saraakiil.
Waare ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka gaashaandhigga uu ka dhego adaygay talooyin ay bixiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, kuwaaas oo ku taliyay in aan ciidamada la dejin meelaha laga soo weerari karo, islamarkaana aysan ka heli karin gurmad ciidan.
Waxaa uu intaasi ku daray in amarkii ugu dambeeyay ee ciidamada lagu dajiyay Cowswayne inuu lahaa wasiirka, xilli uu sheegay in taliyayaasha xoogga ku baaqayeen in ciidamada ku socdaan saf ballaaran, si ay isku garabsadaan.
Waare ayaa sheegay in xog khaldan uu bixiyay dhawaan ay naftooda Halis ku gashay Taliye Mahad Salaad iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.
“Wasiirka gaashaandhigga amarro khaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure, lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray, waliba halis ayuu galiyay Mahad Salaad iyo Shuute,” ayuu yiri madaxweyne hore Waare.