Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka warbixiyey Natiijada Shirkii madaxda dowladda federaalka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo aan wax hehsiis ah lagu garin.
Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaliya ay Ummadda Soomaaliyeed u cadeyneyso in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay diidan yihiin in dalka ka dhacdo doorasho Aas’aaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September.
Saacadihii hore ee Maanta ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in isafaham horudhac ah lagu gaaray shirka Afisiyooni, sida in qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta & gudoomiyeyaasha labada Aqal ka qeyb galan Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka.
Shirkii Maanta Teendhada afisiyooni ku dhex-maray Madaxda dowladda, Dowlad Goboledyda & Gobolka Banaadir ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, iyada oo lagu kala tegay.