Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Somaliland oo sheegtay in lagu xadgudbay maxaabiisteeda ku xiran Laascaanood

Somaliland oo sheegtay in lagu xadgudbay maxaabiisteeda ku xiran Laascaanood

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in si arxan darro ah loola dhaqmay askarteeda dagaalka lagu qabtay ee ku xiran magaalada Laascaanood.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in baraha bulshada ay qabsadeen sawirro iyo muuqaallo muujinaya askar dhibaato loo gaysanayo.
“Maalmihii la soo dhaafay muuqaallo iyo sawirro muujinaya askar Somaliland ah, oo si daran loo jirdilayo, qudha laga jarayo, iyo meydad la bahdilayo, ayaa la soo geliyay baraha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka.
Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay arrintan ka hadasho, oo qolada maxaabiista haysa ay u sheegto in ay ula dhaqmaan si waafaqsan sharciyada caalamiga ah.
Hoggaamiyaha golaha fulinta ee SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmad Aw Cali Firdhiye, ayaa dhankiisa sheegay in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmay.
“Maxaabiistii la qabtay waxaa la isla gartay in si wanaagsan loola dhaqmay, waxaan filayaa ciidamada amiga iyo kuwa xabsiyada in ay ilaaliyaan amniga maxaabiista” ayuu yiri Firdhiye.
Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay jiraan dad duubaya muuqaallo aan qalbiga iyo indhaha aadamaha u fiicnayn.
“Halgankii waa ku guuldarreysanay, ciidamadeenii guusha ay inoo soo hooyeen, waxa ka daba yimid kuwo duubaya muuqaallo isha iyo qalbiguba diidayaan, ogow in muuqaalkastaa la mid yahay madfac ama hoobiye la nagu soo tuuray, ciidanka lagu soo tuuray, maatada lagu soo tuuray” ayu yiri Garaadka.
Dagaalkii toddobaadkii hore ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, ayaa Somaliland lagaga saaray saldhigyo muhiim ah, iyadoo laga qabtay gadiid, hub iyo maxaabiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments