Madaxweynaha Cameroon oo isku shaandhayn ku sameeyay milateriga ka dib afgambigii Gabon

0
266

Mid ka mid ah madaxweynayaasha ugu muddada dheer ee qaaradda Afrika ayaa magacaabay hoggaamiyaal cusub oo qaybta milateriga ah.
Magacaabistan ayuu sameeyay ah isla maalintii ay talada dalka Gabon la wareegeen ciidamada milateriga.
Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya ayaa maalinkii Arbacada ee toddobaadkan sameeyay isku shaandheyn ballaaran oo dhanka wasaaradda difaaca iyo ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.
Lama sheegin sababta keentay isku shaandhayntan.
Korneyl Cyrille Guemo, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka Cameroon, ayaa wakaaladda wararka ee Turkiga u sheegay in magacaabista cusub ay miiska u saarneyd madaxweynaha maalmo badan.