Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay hadal kooban oo laga siidaayay warbaahinta dowladda uuna kaga hadlayay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ku beeeniyay warar faafay oo sheegayay in khasaare xooggan ciidamada dowladda lagu gaarsiiyay dagaal dhawaan ku dhexmaray iyaga iyo ururkan deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.
Waxaa uu tilmaamay in muuqaallada iyo wararka baraha bulshada lagu baahiyay ee ah in askar badan dagaalkaasi lagu dilay hubna looga qabsaday ciidamada dowladda uusan sax ahayn.
Madaxweynaha ayaa xusay in ciidamadA ay guul ka gaareen dagaalkaasi.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Muxuu madaxweynaha Soomaaliya ka dhahay dagaalkii Cowsweyne iyo wararka faafay?