Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad ka jeediyay xeritaankii shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa si adag uga hadlay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Waxaa uu ugu horreyn khudbaddiisa ku bogaadiyay kaalinta madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka ka dhanka Ururka Al-Shabaab oo uu u joogo magaalada Dhuusamareeb muddo ku dhow hal bil.
Axmad Madoobe ayaa sido kale tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug inuu yahay mid gaabis ku billowday, islamarkaana xusay in howlgalka sida uu u socdo iyo sida looga hadlayo aysan ahayn wax isku dhigma.
“Hubka la wato dowladda waa u diiwaangashan yihiin, haddii uu dhab noqon waayo dagaalka uu meesha ka baxo hubkaasi, waxa fursad weyn heli doono kooxda Shabaab” ayuu yiri madaxweyne Axmad Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ka baxaan gumeysiga ay ku hayso ururkaasi.
“Inta waligaa lagu gumeysan lahaa waxaan qabaa in dadku inay dagaalamaan, aan ka dhabeyno oo aan garab istaagno ciidankaasi dagaalka ku jira waxa ay u baahan yihiin waa shacabka, sideedaba shacab ayaa dagaalama, waxay u baahan yihiin maanta nimankan Khawaarijta ah kacdoon shacab oo la is wada dabagalo” ayuu yiri madaxweyne Axmad Madoobe.
Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo haatan dowladda Federaalka Soomaaliya guulo la taaban karo ay ka gaartay howlgallada Al-Shabaab looga xorreynayo deegaanada maamulka Galmudug.