Maxkamad ku taalla Puntland oo xukun dil ah ku ridday labo nin oo dilay haweeney

0
263

Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday labo nin oo lagu helay inay ka takhaluseen haweeney.
Mid ka mid ah ragga la xukumay oo lagu magacaabo, Liibaan Maxamad Yuusuf, ayaa wuxuu ahaa ninkii qabay marxuumad Naciimo Cabdiweli Cismaan oo ahayd 16 sano jir, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda.
Kiiska dilka ah, ayaa 18-kii bishii Afaraad ee sanadkan xilli saq dhexe ka dhacay meel wax yar ka durugsan deegaanka Daarusalaam oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Sababta uu dilay xaaskiisa waxaa la sheegay in ay ahayd, ka dib markii ay ka diiday inay la noolaato, iyadoo ka dalbatay furitaan.
Eedeysanaha koowaad oo 22 sano jir ah, waxay maxkamaddu sheegtay inuu dilka xaaskiisa u kaashaday eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo Jaamac Maxamad Yuusuf, oo 20 sano jir ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in dilkeeda loo adeegsaday tooreey ay ku wada dhufteen labada eedeysane ee lagu xukumay dilka toogashada.
Xukunsanayaasha ayaa haysta bil racfaan ah.